Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kumannaan qof oo ka qeybgalay aaska Xasan Nasrallah


Dad badan oo galbinaya naxashka lagu waday Xasan Nasrallah, gudaha Beirut, Feb. 23, 2025.
Dad badan oo galbinaya naxashka lagu waday Xasan Nasrallah, gudaha Beirut, Feb. 23, 2025.

Boqollaal kun oo qof ayaa Axaddii shalay isugu soo baxay gudaha iyo hareeraha garoon ku yaalla magaalada Beyruut, si ay uga qeybgalaan aaska hoggaamiyihii hore ee Xisbullah, Xasan Nasrallah, ku dhawaad 5 bil kaddib marki lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay fulisay Israa’iil.

Xisbullah ayaa taageerayaasheeda ugu baaqday inay si weyn uga soo qaybgalaan aaska, taasoo u muuqata tallaabo muujinaysa in kooxdan ay sii xoogaysanayso ka dib markii ay jab culus kala kulantay dagaal socday muddo 14 bilood ah oo ay la gashay Israa’iil, kaas oo lagu dilay qaar badan oo ka mid ah saraakiishii sare ee garabyada siyaasadda iyo millatariga.

Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Lubnaan, oo diiday in la magac-dhabo sababo la xiriira inuusan ruqsad u heysan in uu warbaahinta la hadlo, ayaa sheegay in dadkii ka qeybgalay aaski shalay loo sameeyay Xasan Nasrallah ay gaarayeen ilaa 450,000 oo qof.

Cali Fayyad, oo ka tirsan garabka siyaasadda ee Xisbullah, ayaa sheegay in dadkan tirada badan ee ka qeybgalay aaska ay muujineyso in Xisbullah ay weli tahay xisbiga ugu taageerada badan Lubnaan, isla markaana ay meesha ka baxeen hadal-heyntii ahayd in kooxdu daciiftay ama la bahdilay.

Nasrallah ayaa dhintay ka dib markii ciidamada cirka ee Israa’iil ay in ka badan 80 bam ku garaaceen qolka ugu muhiimsan qolalka howlgallada kooxda, kaas oo ku dhex yaallay xarunta ugu weyn Xisbullah ee duleedka koonfureed ee caasimadda Lubnaan.

Dhimashadiisu waxay dhabar jab weyn ku noqotay Ururka Xisbullah. Xisbullah oo ay taageerto Iran ayaa ka mid ah ururrada ay Dowladda Mareykanka u aqoonsatay argagixiso.

Madal

XS
SM
MD
LG