Boosaaso —
Ciidamada Puntland ayaa duhurnimadii maanta waxa ay maleeshiyada Daacish kala wareegeen dhawr saldhig, oo uu ku jiro saldhigga weyn ee Sheebaab, oo ah halka uu ku dhammaado Togga Jeceel, oo ay dagaalladii ugu cuslaa ku dhex mareen Ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish.
Hawlgalkaan kooxda Daacish looga qabsaday saldhigyada cusub ayaa Taliyaha Ciidanka Badda Puntland, General Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, waxa uu sheegay in aysan wax dagaal ah kala kulmin muddadii uu hawlgalku socday.
Weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa khadka taleefonka ku wareysatay isaga oo ku sugan Taliska Sheebaab, ee ay maanta ka qabsadeen Daacish.
Madal