Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Arbacadii shalay sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ay saxiixi doonaan heshiis u ogolaanaya Mareykanka xuquuq la taaban karo oo uu ku yeesho macdano naadir ah oo ay leedahay Ukraine.
Macdantan dhifka ah ee dhulka ku jirta ayay Washington u heleysaa magdhow ahaan, iyadoo beddel uga dhiganeysa hubkii ay u dirtay Kyiv, kaas oo Ukraine u adeegsatay iska caabbinta Ruushka, oo dagaal ba’an ka wada dalkaas muddo saddex sano ah.
Madaxweyne Trump ayaa kulankiisii ugu horreeyay ee Golihiisa Wasiirrada shalay ka sheegay in Zelenskyy uu iman doono Aqalka Cad maalinta Jimcaha ee foodda nagu soo haya, si uu u saxiixo heshiiska, isla markaana uga hadlaan xaaladda dagaalka.
Heshiiskan ayuu ku tilmaamay mid hanti badan u keenaya Mareykanka, balse uu hadafkiisa koowaad hadda yahay soo afjaridda dagaalka.
"Arrinta labaad waa in naloo soo celiyo lacagta. Sannaddeena la’aanteed, dagaalka mar hore ayuu dhammaan lahaa,” ayuu yiri Madaxweyne Trump.
Mareykanka ayaa Ukraine u diray hub ku kacaya in ka badan 100 bilyan oo doollar, si uu ugu taageero dagaalka ay kula jirto Ruushka. Hubkaas iyo rasaastaas ayaa Kyiv la siiyay intii uu Aqalka Cad maamulayay Madaxweynihii hore, Joe Biden.
Madal