Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay ka dhigan tahay booqashada Abiy ee Muqdisho?


Abiy Ahmed iyo Xasan Sheekh
Abiy Ahmed iyo Xasan Sheekh

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dib ugu laabtay dalkiisa, kadib markii uu wada-hadallo kula yeeshay Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Booqashada Abiy Axmed ayaa ku soo beegantay xilli labada dal ay isku dayayaan inay soo afjaraan khilaafkii January 2024-kii ka dhashay heshiiskii muranka badan dhaliyay ee badda ee ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland.

Kadib khilaaf diblumaasiyadeed oo aad u kululaa oo ku saabsanaa arrintan, Itoobiya iyo Soomaaliya waxay bishii December 11-keedii heshiis diblumaasiyadeed, oo loogu magac daray “Baaqii Ankara,” ku gaareen magaalada Ankara.

Bishii Janaayo ee sanadkan, bil kadib heshiiskii Ankara, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasoo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Haddaba, booqashadan Abiy Axmed ee Muqdisho maxay ka dhigan tahay? Su’aashaa iyo kuwo kale ayey Sahra Cabdi Axmed weydiisay Cabdiqafaar Cabdi Wardheere, oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya kuna sugan gobolka Virginia ee duleedka Washington.

Maxay ka dhigan tahay booqashada Abiy ee Muqdisho?
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:49 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG