Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Deni: Wajiga 3-aad ee dagaalka ayaa billaabanaya


Said Abdullahi Deni
Said Abdullahi Deni

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadal uu xalay jeediyay kaga hadlay gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Deni ayaa sheegay in wajigii saddexaad ee howlgalka Hillaac uu maanta bilaabanayo, kaddib markii labadii waji ee hore ee dagaalka guulo waaweyn ay ka gaareen ciidamada Puntland. Waxa uu sheegay in muddo 7 cisho ah ay u qabanayaan kooxo uu sheegay inay la shaqeeyaan Daacish.

Hadalka Madaxweynaha Puntland waxaa warbixintan ku eegaya wariyaha VOA ee Boosaaso, Faadumo Yaasiin Jaamac.

Deni: Wajiga 3-aad ee dagaalka ayaa billaabanaya
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:09 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG