Xudur —
Dagaal culus oo shalay ka dhacay magaalada Xuddur ee gobolka Bakool, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab, ayaa waxaa ku dhintay 7 askari halka ay 20 kale ku dhaawacmeen.
15 askari oo ka mid ah kuwii dhaawacmay ayaa la geeyay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa ka hadlay dagaalka, isagoo sheegay in ay ciidamada dowladdu sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warkan ka soo diray magaalada Baydhaba.
Madal