Waxaa shalay magaalada Muqdisho lagu aasay Dr. Maxamed Yuusuf oo ahaa dhaqtar muddo dheer ka shaqeynayay caafimaadka & waxbarashada dalka oo dhowaan ku geeriyooday caasimadda Soomaaliya.
Dr. Maxamed Yuusuf ayaa ahaa shaqsi dalka looga hayay xushmad ballaaran, muddo dheerna ka shaqeynayay Isbitaalka Madiina, xilli Muqdisho ay ku jirtay marxalad adag oo dagaallo ah, bulshaduna u baahneyd kaalmo caafimaad.
Geeridiisa ayaa aad looga naxay, dadkii yaqaanay ayaa ku sheegay shakhsi qiimo weyn ugu fadhiyay dalka oo dhowr jeer khatar naftiisa u galiyay badbaadinta umadda.
Wariyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow ayaa warbixin arrintaas ku saabsan inoo soo diray.
Madal