Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax lagu dilay 12 qof oo ka dhacay Pakistan


Pakistan
Pakistan

Ugu yaraan 12 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa ku dhintay labo qarax oo ismiidaamin ah oo Talaadadii ka dhacay deegaan ku yaalla waqooyi-galbeed Pakistan.

Weerarka oo ka dhacay degmada Bannu ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 32 qof, sida ay ilo-wareedyadu xaqiijiyeen. Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay kororto.

Mintidiin ayaa laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku qarxiyay suuq mashquul badan oo u dhow saldhig ciidan. Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhashay kadib markii dhismayaal ku dhowaa goobta ay ku soo dumeen qaraxa ka dib.

Ugu yaraan lix maleeshiyo ah ayaa sidoo kale lagu dilay dagaal xigay, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay in kooxda Jaish Al-Fursaan, oo aan caan ahayn, ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Maleeshiyadan ayaa dhowr jeer weerarro ka fulisay magaalada Bannu.

Madal

XS
SM
MD
LG