Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay fiidkii xilliga saacadda Bari ee Mareykanka, isla markaana ku beegneyd aroornimadii hore ee saacadda Bariga Afrika, khudbad ka hor jeediyay labada Aqal ee Kongareeska Mareykanka.
Khudbaddan ayaa ahayd tii ugu horreysay ee muddo shan sano ah uu ka hor jeediyo mudanayaasha labada Aqal ee Kongareeska oo isla jooga.
Trump ayaa khudbadiisii xalay kaga hadlay dhaqaalaha Mareykanka, siyaasadda gudaha, socdaalka, iyo siyaasadda Mareykanka ee dibadda.
Wuxuu difaacay go'aannadii muranka dhaliyay ee dowladdiisu ay ku dhimtay shaqaalaha federaalka.
Haddaba, qeybihii hore ee khudbaddan waxaa nala falanqeynaya Maxamuud Muuse Xasan, oo ka tirsan siyaasiyiinta Soomaalida Mareykanka ee gobolka Minnesota, ahna murashax u taagan Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis, iyo Faysal Derri, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga. Labaduba waxay ku sugan yihiin gobolka Minnesota.
Madal