Washington —
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa habeenkii xalay khudbad ka jeediyey kulan wadajir ah oo labada aqal ee Kongareeska ay lahaayeen.
Madaxweynuhu wuxuu amaanay tallaabooyinka ay dowladdiisu qaaday, si loo yareeyo shaqaalaha Dowladda Federaalka, canshuuro culus oo ay ku soo rogtay dalalka dariska ah ee xiriirka ganacsi la leh, iyo cadaadiska ay dowladdiisu saarto Ukraine si loo joojiyo dagaalka ay kula jirto Ruushka.
Intii uu Trump hadlayay, xildhibaannada Dimuqraadiga ah ayaa si cad u muujiyey sida ay isaga uga soo horjeedaan.
Madaxa Xafiiska VOAda ee Aqalka Cad, Patsy Widakuswara, ayaa warbixintan diyaarisay, waxaana soo jeedinaya Maxamed Cabdi Sandheere.
Madal