Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waxaa soo baxayay digniino ku aaddan weerarro argagixiso oo lala maagan yahay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho.
Talaadadii la soo dhaafay, Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya "weerarro soo fool leh" oo ka dhici kara, ayey tiri, goobo badan oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Saacado ka dib digniinta Mareykanka, shirkadaha diyaaradaha ee Qatar Airways iyo Turkish Airlines ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi lahaayeen Muqdisho, inkastoo aysan caddayn xiriirka ka dhexeeya duulimaadyada la hakiyay iyo digniinta Mareykanka.
Haddaba, digniintan iyo wararka la xiriira ayay Sahra Cabdi Axmed ka wareysatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal.
Madal