Ottawa —
Xisbiga talada haya ee Liberal-ka ah ee dalka Canada ayaa shalay guddoomiye u doortay Mark Carney, oo 59 jir ah, horayna u soo noqday Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Canada.
Mark Carney, oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda, ayaa wajahaya mas’uuliyado culus, isagoo xilka kala wareegaya Ra'iisul Wasaare Justin Trudeau.
Haddaba waa kuma ninkaasi, maxaase horyaalla oo caqabado ah? Su’aalahaasi iyo kuwo kale ayuu wariyaha VOA ee Canada, Xuseen Nuur Xaaji, weydiiyay Maxamed Xasan, oo falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha Canada, kuna nool magaalada Toronto.
Madal