War-saxaafadeed xalay ka soo baxay Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya (NISA) ayaa lagu sheegay in duqeymo cirka ah lagu dilay ilaa 41 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.
NISA waxay sheegtay in duqeymaha dhanka cirka ah ay ka dhaceen deegaannada Boos-Hareeri iyo Jambaluul, oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Khamiistii shalay u sheegay warbaahinta dowladda in duqeymo dhacay labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu dilay in ka badan 150 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Duqeymahan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee ay kula dagaallamayso kooxda Al-Shabaab, xilli uu guluf militari oo xooggan ka socdo gobolka Shabeellaha Dhexe.
Haddaba, maxay tahay kaalinta ay duqeymuhu ka qaadan karaan in Al-Shabaab lagu jebiyo furumaha dagaalka? Su’aashan iyo kuwa kale ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan weydiiyay Axmed Cabdullaahi Maxamed (Axmed Kaboole), oo ka faallooda arrimaha amniga.
Madal