Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tartan Qur'aanka Kariimka ah oo Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay


Madaxweyne Xasan iyo Madaxda Wasaaradda Diinta oo abaalmarin lacageed guddoon siinaya, wiilki ku guuleystay Tartanka Qur'aanka Kariimka ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan iyo Madaxda Wasaaradda Diinta oo abaalmarin lacageed guddoon siinaya, wiilki ku guuleystay Tartanka Qur'aanka Kariimka ee Soomaaliya.

MUQDISHO — Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii Khamiista ee ay Jimcaha soo galeysay lagu qabtay, xaflad abaalmarinno lacageed lagu guddoon siiyay dhalinyaro isugu jiray wiilal iyo gabdho oo kaalimaha hore kasoo galay, tartanka sannad-laha ah ee Qur’aanka Kariimka ah.

Tartankan oo ay saddexdi sano ee lasoo dhaafay qabaneysay Dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa sannadkaan marki ugu horreysay xafladda xiritaanka lagu qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Kaalinta koowaad ee tartankan ayaa waxaa ku guuleystay, Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan oo helay abaalmarin lacageed oo gaareysa $20,000.

Haddaba, faah faahinta tartankan ayuu Nur Hassan Nur ka wareystay, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Saalax Shariif Sayid Cali.

Halkan ka dhageyso.m4a
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:15 0:00


Madal

XS
SM
MD
LG