Muqdisho —
Dawladda Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee Caafimaadka iyo Daryeelka Caruurta – ee kala ah WHO iyo UNICEF ayaa sheegay in abaarta Soomaaliya sannadkii hore ay ku dhinteen 43 kun oo qof.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in kala-badh ah carruurta geeriyootay ay da’doodu ka yartahay shana sano. Tiradan ayaa ka badan intii la filayey.
Daraasad ay daabaceen dawladda Soomaaliya iyo hay’adahan waxaa soo akhrisay Falastiin Axmed Iimaan, oo warbixintan ka diyaraisay.