Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abdul Qadir Mumin ma wuxuu noqday Amiirka guud ee Daacish?


Abdulqadir Mumin
Abdulqadir Mumin

Sida ay sheegeen falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda iyo amniga, hoggaamiyaha Soomaaliga ah ee kooxda Daacish Abdul Qadir Mumin ayaa si aan rasmi ahayn u noqday hoggaamiyaha guud ee kooxda, inkasta oo aanu wadanin magaca rasmiga ah ee jagadaas.

Arrintan ayaa imanaysa iyada oo uu mugdi badan ku jiro haybta "Khaliifka" ama Amiirka guud ee kooxda Daacish ee Abou Xafs al-Hashimi al-Qurashi, iyada oo uu muran ka taagan yahay jiritaanka qof magacaas leh.

Khubarrada qaar ayaa tilmaamaya inay arrintaasi suurtagal ka dhigayso in Abdul Qadir Mumin uu hadda madax u yahay xafiiska guud ee maamulka caalamiga ah ee Daacish isaga oo jooga Soomaaliya.

Warbixin ay wakaalada wararka ee AFP ka qortay waxaa inoo faahfaahinaya Xuseen Barre.

Abdul Qadir Mumin ma wuxuu noqday Amiirka guud ee Daacish?
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:58 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG