Allah ha u naxariistee waxaa isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa maanta ku geeriyooday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ka mid ahaa shaqsiyaadka lafdhabarka u ah fanka Soomaalida.
Abwaan Hadraawi ayaa la sheegay inuu dhowaanahan xanuunsanayey, inkasta oo aan faah-faahin laga bixin.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo xaqiijiyey geerida Abwaan Hadraawi, ayaa shacabka Somaliland iyo umadda ku hadasha Afka Soomaaliga uga tacsiyadeeyey geerida Abwaan Hadraawi.
Hadraawi, oo ku dhintay da’da 79 jirka, ayaa 1943-kii ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, wuxuuna isaga oo yar uu aaday dalka Yemen oo uu ku sugnaa ilaa xornimadii, markaasi oo uu usoo wareegtay Muqdisho.
Hadraawi wuxuu sameeyey ruwaayado iyo heeso aad u caan baxay sida, heesta Hooyo, heesta Beledweyne iyo Nebi Ammaanka Ergadii Furqaan.
Wariyaha VOA-da Khadar Maxamed Cakulle oo tagay Isbitalka weyn ee Hargeysa oo uu abwaanka ku geeriyooday ayaa warbixintan inoo soo diray.