Muqdisho —
Ugu yaraan afar ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ee qaabilsan amniga magaalada Muqdisho ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay nawaaxiga degmada Dayniile.
Qaraxan ayaa imanaya iyadoo mas’uuliyiinta ay sheegeen in amniga caasimaddu uu soo hagaagayey toddobaadyadii u dambeeyey.
Weerarkan iyo hawlgalladii milatari ee u dambeeyey ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood oo ah afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga. Ugu horrayna waxa uu ka hadlayaa qaraxa lala beegsaday ciidanka.