Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Qabsatay Dhusamareeb


Al-Shabaab oo Qabsatay Dhusamareeb
Al-Shabaab oo Qabsatay Dhusamareeb

Kooxda al-Shabaab ayaa si dhabar jibin ah ula wareegtay degmada Dhusamareeb, ka dib markii ay dagaal kula galeen xoogagga Ahlu-Sunna deegaanka Mareer-Gur.

Wararka ka imanaya gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay goor dhowayd qabsadeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galguduud. Magaaladaais waxaa horey u haystay ururka Ahlu Sunna Wal Jamacaa.

Qabasashada Dhuusamareeb waxaa ka horreeyey dagaal qaraar oo labada dhinac gelinkii dambe ee maanta ku dhexmaray degaanka mareergur oo ku yaal inta u dhaxeysa magaaloyinka Dhuusamareeb iyo Gudinlabe .

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhiamatay dagaalka ka dhacay MareerGur. Degaanka mareergur oo ay hore ugu sugnayeen malayshaadka Ahlu Suna ayaa waxaa weerar ku ekeeyay Kuwa Shabaabka oo ka soo duulay tuulada Gadood sida ay voada u sheegeen dadka degaanka .

Goor hore oo maanta ahna, Ururka AHlu Sunna Wal-Jamaaca ayaa weerar ku qaaday degmada Cadaado ee isla gobolka Galguduud, halkaasi oo ay ka talinayene Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Iska horimaadka dhexmaray Ahlu Sunna iyo ciidanka Ximin iyo Xeeb waxaa ku dhintay ilaa 5 qof, waxaana ku dhaawacmay shan kale.

Habeenkii xalay ahaana, laba qof oo ka tirsan shaqaalaha gargaarka ayaa lagu afduubay magaalada Cadaado. Labadaais qof ayaa mid ahaa Soomaali kan kalena waxa la sheegay inuu dhashay dalka Biritan, waxayna u shaqaynayeen hay'adda Safe The Children.

Magaalada Cadaado ayaa la sheegay inay caawa deggan tahay.

XS
SM
MD
LG