Kismaayo —
Mas’uuliyiinta amniga ee Jubaland ayaa sheegay inay soo af-jareen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen maanta hoteelka Tawakal ee magaalada Kismaayo.
Wasiirka Amniga ee Jubaland Yuusf Xuseen Cusmana Dhuumaal ayaa u sheegay VOA in ugu yaraan sagaal qof oo isugu jira rayid iyo askar ay ku dhinteen, halka 47 kale ay ku dhaawacmeen weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka.
Wasiirka ayaa sheegay in la toogtay dhammaan afartii maleeshiyaadka ahaa ee weerarka soo qaaday.
Weerarkan oo bilowday waxyar kadib duhurnimadii maanta ayaa ku bilowday qarax uu gaystay qof ismiidaamiyey, kadibna maleeshiyaad hubaysan ayaa galay huteelka. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda.