Maleeshiyo hubeysan ayaa maanta weerar ku qaaday hotel ku yaalla magaalada Baladweyne ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo ay ku sugnaayeen odayaal dhaqameed iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo ehello la hadlay Reuters.
Dahir Amiin Jesow, xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah kana soo jeeda Baladweyne, ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof la dilay, balse tirinta khasaaraha wali socoto. "Weli waxaan tirineynaa khasaaraha," ayuu yiri.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay dileen in ka badan 10 qof.
"Markii hore waxaan maqalnay qarax xooggan, kadib rasaas culus, waxaana xigay qarax kale," ayuu yiri Cali Suleymaan, oo ah ganacsade goob-joog ahaa.
Qeybo ka mid ah Hotelka Qaahira ayaa burburay intii ay is rasaaseynta dhexmaraysay ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada weerarka soo qaaday, sida uu sheegay Suleymaan.
Goobjooge kale oo ku nool agagaarka hotelka, Xaliima Nuur, ayaa xustay in rasaastu si goos-goos ah u socotay, taasoo muujinaysa in iska horimaadku wali sii socdo.
Kaddib qaraxyadii hore, dagaalyahanno hubeysan ayaa gudaha u galay hotelka, iyagoo bilaabay inay si toos ah u rasaaseeyaan dadka ku sugnaa gudaha, sida uu AFP u sheegay sarkaal ka tirsan laamaha amniga oo lagu magacaabo Axmed Cusmaan.
"Weli faahfaahin badan kama hayno khasaaraha, balse waxaan xaqiijinay in ugu yaraan afar qof la dilay," ayuu yiri.
Odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan ayaa ku shirayay hotelka, iyagoo ka arrinsanayay dadaallada lagu taageerayo dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab.
Sida uu sheegay sarkaal booliis ah oo lagu magacaabo Cali Mahad, ciidamada amniga ayaa ku guuleystay badbaadinta inta badan dadkii ku sugnaa gudaha hotelka.
"Ciidamada ammaanka ayaa haatan la tacaalaya dhowr dagaalyahan oo ku go’doonsan qeyb kamid ah dhismaha," ayuu yiri.
Oday dhaqameed Cabdiraxmaan Xasan ayaa xaqiijiyay in dadka la dilay ay ka mid ahaayeen laba oday dhaqameed, qof shacab ah iyo hal askari oo ka tirsanaa ciidamada amniga.
"Meydka afarta qof waxaa laga soo saaray dabaqa hoose ee hotelka," ayuu yiri.
Haddaba, wararkii ugu dambeeyay ee weerarka ayay Sahra Cabdi Axmed ka wareysatay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ku sugan Muqdisho lagana soo doorto gobolka.
AFP + REUTERS
Madal