Ku-xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee Ammuuraha Africa, Ambassador Donald Yamamoto ayaa wareysi uu siiyay idaacadda VOA kaga hadlay siyaasadda Maraykanka ee ku aadan Somalia iyo waliba kullamo uu la qaatay qaar ka tirsan jaalliyada Soomaalida ee Maraykanka.
Mr Yamamoto, wuxuu sheegay in siyaasadda Maraykanku ay tahay taageeridda dowladda KMG iyo sidoo kale in wadatashiyo lala sameeyo qabaa'illada Soomaalida si xal kama danbeys ah loo gaadho, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in marka uu dhamaado waqtiga DKMG bisha August ee 2011 Soomaalida looga fadhiyo sidii ay ula iman lahaayeen barnaamijyo lagu dhamaynayo colaadda Somalia, Maraykankuna u diyaar u yahay inuu arrimahaasi Soomaalida ka taageerro..
Ambassador-ku ayaa kulamo wadatashi ah la yeeshay qaar ka tirsan jaalliyada Soomaalida ee Marayakanka, wuxuuna ujeedda kulamadaasi ku tilmaamay kuwo uu ku ogaanayo aragtidooda ku wajahan siyaasadda Maraykanka ee dib-u-heshiisiinta Somalia.
Mr Yamamoto, wuxuu sheegay in Somalida Maraykanka, gaar ahaan kuwo gobolka Minnesota ay yihiin mujtamac horumar dhinaca dhaqaalaha ka sameeyay oo u diyaar ah inay codadkooda mideeyaan iskuna xirnaadaan.