Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amiirka Qatar oo taleefon kula hadlay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed


Tamim bin Hamad Al Thani
Tamim bin Hamad Al Thani

Warar laga soo xigtay diblomaasiyiinta Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa sheegaya in Amiirka Qatar, Amir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani uu si kala gooni gooni ah khadka taleefanka ugala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Wada hadalkan oo shalay dhacay ayaa waxaa sidoo kale lagu xaqiijiyay qoraallo kooban oo la soo dhigay Barta X ee horey Twitter loo oran jiray ee ay leedahay Wakaaladda Wararka ee Qatar, ee QNA.

Waxaa diblomaasiyiinta oo qariyay magacyadooda maadaama aan loo ogolaan inay arrintan ka hadlaan ay ku gaabsadeen in Amiirka Qatar uu kala hadlay labadan mas’uul si gooni gooni ah xiriirka iyo Iskaashiga Qatar kala dhaxeeya wadamadan.

Waxaa kaloo ay sheegeen inuu sido kale kala hadlay walaaca ay wadaagaan ee la xiriira arrimaha ka taagan gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

In kastoo wada hadalkan iyo xilliga uu ku soo aaday uu hadal heyn ka dhex abuuray diblomaasiyiinta, haddana weli lama oga in Amiirka Qatar uu si toos ah labadan mas’uul kala hadlay xalinta khilaafka ka dhex oogan labadooda waddan ee ku aadan heshiikii badda ee ay Ethiopia bishii January la saxiixatay Somaliland, kaasi oo ay dowladda Federalka Soomaaliya sida weyn uga hortimid.

Wada hadalka Abiy Ahmed iyo Amiirka Qatar ayaa dhinaca kale ku soo aaday laba maalin ka dib markii wasiirka maaliyadda ee Ethiopia Ahmed Shide uu gaarsiiyay Amiirka Qatar, fariin uu ka siday Ra’isul Wasaaraha Ethiopia.

Madal

XS
SM
MD
LG