Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amuuraha Islaamka iyo Munaasabadda Mowliidka


Amuuraha Islaamka iyo Munaasabadda Mowliidka
Amuuraha Islaamka iyo Munaasabadda Mowliidka

Barnaamijkeena todobaadkan waxaan ku eegaynaa munaasabadda mowliidka oo ku beegan dhalashada Nabi Muxamamed NNKH

Toddodbaadkan, meelo badan oo kamid ah caalamka Islaamka, oo ay ku jirto
Somalia, waxaa looga dabbaal-dagay munaasabadda Mowliidka, oo ku beegan
maalintii uu dhashay Nabi Muxamad, NNKH. Laakiin waxaa jira culimo badan
oo rumeysan in xuska munaasabaddaasi uu bidco, ama dheeraad ku yahay
Diinta Islaamka.

Kooxo-diimeedyada gacanta ku haya inta badan koonfurta Somalia, ayaa
mamnuucay in la xuso munaasabadda Mowliidka, iyagoo sheegay inuusan
waafaqsaneyn diinta Islaamka.

Ha yeeshee, munaasabadda Mowliidku, waa mid soo jireen dheer ku leh
taariikhda Islaamka, sida uu ii sheegay Sh. Maxamud Sharif Cali, oo ah
imamka masjidka Darul-Quba ee gobolka Minnesota, masjidkaas oo kamid ah
masaajidda laga xusayo Mowliidka. Imamka ayaan toddobaadkii hore kula
kulmay gobolka Minnesota, wuxuuna iiga warramay taariikhda Mowliidka.

XS
SM
MD
LG