Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Cad oo soo dhaweeyay hadal kasoo yeeray TPLF


Karine Jean-Pierre 
Karine Jean-Pierre 

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa Isniintii sheegay inay soo dhaweynayaan hadal kasoo yeeray ciidamada ku sugan waqooyiga gobolka Tigray ee dalka Itoobiya oo sheegay inay aqbali doonaan geeddi-socod nabadeed oo uu hoggaamiyo Midowga Afrika.

"Waxaa la joogaa waqtigii labada dhinac ay joojin lahaayeen dagaalka oo ay u soo jeesan lahaayeen wadahadal, si ay u xalliyaan khilaafkooda," ayay tiri afhayeenka Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre oo suxufiyiinta kula hadashay diyaaradda Air Force One.

Waxay sheegtay in Itoobiya ay tahay inay "ka faa'iidaysato xilligan si ay nabadda fursad u siiso" iyo sidoo kale in "Eritrea iyo kuwa kaleba inay tahay inay ka fogaadaan colaadda Itoobiya."

Xoogagga TPLF ee dalka Itoobiya, oo dagaal kula jira dowladda dhexe muddo ku dhow laba sano, ayaa Axaddii sheegay inay diyaar u yihiin xabbad-joojin ayna aqbali doonaan geeddi-socod nabadeed oo Midowga Afrika uu hoggaaminayo.

"Waxaan diyaar u nahay inaan si degdeg ah oo wadajir ah u joojino dagaalka," ayay ciidamada Tigreegu ku sheegeen warsaxaafadeedkoodaa.

Reuters

XS
SM
MD
LG