Minneapolis —
Labada aqal ee Baarlamaanka gobolka Minnersota ayaa ansixiyay xeer ilaalinaya xuquuqda wadeyaasha gaadiiska dadweynaha ee shirkadaha ay ka mid yihiin Uber & Lyft oo mudo badan cabasho kasoo yeereysay.
Xeerkan ayaa la sheegay in uu dhaqan gali doono bilawga bisha August ee soo socota, hase ahaatee waxa haatan xeerakan loo gudbainayaa guddoomiyaha gobolka si uu u saxiixo.
Wariyaha VOA, maxamuud Mascadde ayaa waraystay Ciid Yuusuf Cali oo ah madaxa urur ay ku mideysan yihiin darawallada Uber & Lyft ee gobolka Minnesot oo loo soo gaabiyo MULDA.