Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aragtida dadweynaha ee shirka Madasha Wadatashiga Qaran


Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhexeeya madaxda sare ee dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dawlad goboleedada.

Shirkan oo uu shalay furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga hadlayaa qodobo ay ka mid yihiin, xaaladda amniga ee dalka iyo dhameystirka dastuurka dalka.

Shirkan oo uu furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale. Waxaana kulankan ka maqan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Haddaba qaar ka mid ah dhageystayaasha ayaa aragtidooda ka dhiibanaya shirkaasi.

Aragtida dad weynaha ee shirka madasha qaran
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:22 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG