London —
Muddo shan maalin ah ayaa ka harsan muddada loo qabtay in ay ku dhacdo doorashada madaxtinimada Soomaaliya, ee 15-ka May 2022.
In ka badan 30 murashax ayaa ilaa iyo hadda la guddoon-siiyay shahaadada tartanka, kuwaas oo u tartami doona kursiga madaxweynaha.
Soomaalida ku nool qurbaha ayaa indhaha ku haya xaaladda doorashada madaxtinimada ee hadda heerka gabo-gabada ah mareysa.
Soomaalidaasi waxaa ka mid ah qurba-joogta London oo dareenkooda ku aadan doorashada madaxtinimada uga warramay wariyaha VOA-da ee Yurub, Ridwan Xaji Cabdiwali.