Arsenal ayaa heshiis la gaartay xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham United Declan Rice, kaas oo ku kacaya in ka badan 100 milyan oo gini oo u dhiganta 127 milyan oo doollar, sida ay ku warrantay warbaahinta Ingiriiska.
24-sano jirkan heerka caalami ee waddanka England ayaa helay oggolaansho uu ku maro tijaabada caafimaadka toddobaadkan, sida ay sheegtay Guardian.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in West Ham ay aqbashay dalab ku kacaya 100 milyan ginni oo lagu daray 5 milyan oo dheeri ah, iyadoo qaybta dammaanadda ah ee kharashka la filayo in lagu bixiyo saddex qaybood muddo laba sano ah.
Rice waxa uu ku biiray akadeemiyadda West Ham markii uu kasoo dhaqaaqay Chelsea isagoo dhalinyaro ah, waxaana uu u ahaa tiir-dhexaad tan iyo ololihiisii 2017-18.
Waxa uu kooxda u ciyaaray in ka badan 200 oo kulan waxana uu ka caawiyay inay ku guulaystaan koobkii Europa Conference League bishii hore.
Reuters.
Madal