Madaxweynaha dalka Siiriya Bishaar Al-Assad ayaa sheegay in uu ahmiyada siin doono waxkasta oo lagu soo afjari karo dagaalka afarta sano ka socda dalkiisa, balse aan xal la gaari karin haddii gurmad laga raadiyo kuwo taageera argagixisada.
Xukuumadda Bishaar Al-Assad ayaa kalmida argagixiso inta badan u isticmaasha dadka ka soo horjeeda dowladda oo ay ku jirto jabhadda dagaalka kula jirta ciidanka dowladda Siiriya.
Madaxweyne Al-assad oo marti ku ahaa Telefishinka Al-Manaar ayaa dowlado uu ku sheegay in ay wadaan wax lid ku ah Siiriya ka dalbaday in ay joojiyaan arrintaas.
Dadaallo horay loogu dooneyey in lagu soo afjaro dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Siiriya oo Qaramada Midoobay ay garwadeen ka ahayd ayaa lagu guul dareystay, iyadoo xaaladda dalkaasi ay ka sii dartay kaddib markii uu ururka Daacish gacanta ku dhigay qeybo ka mid ah dalka Siiriya.
Madaxweynaha dalka Siiriya Bishaar Al-Assad ayaa sheegay in uu ahmiyada siin doono waxkasta oo lagu soo afjari karo dagaalka afarta sano ka socda dalkiisa.
DAMUSCUS —