Ottawa —
Xubnaha baarlamaanka dalka Canada ayaa taariikhda markii u horreysay afhayeen u doortay qof madow ah, kadib markii afhyeenkii hore ee aqalkaasi uu isu casilay sabab la xiriira inuu xarunta baarlamaanka ku casuumay askari hore uga tirsanaa Naasigii Jarmalka.
Tallaabada uu baarlamaanka dalkaasi qaaday ee uu ku doorrtay Greg Fergus ayaa la tilmaamayaa inay dhiiri galin u noqon karto dadka madowga ah ee dalkaasi ku dhaqan, oo ay Soomaalidu ka mid tahay.
Warbixintan waxaa magaalada Toronto kasoo diray weriyaha VOA Xuseen Nuur Xaaji.
Madal