Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Banaanbax ka dhan ah is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya oo ka dhacay Muqdisho


Banaanbax
Banaanbax

Bannaabax ay soo qaban-qaabiyeen mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagaga soo horjeeday is-afgaradkii ay 1-dii bishan magaalada Addis Ababa ku gaareen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Bannaabaxan, oo ka dhacay bartmaha magaalada Muqdisho, ayey ka qaybgaleen dadweyne farabadan, waxaana khudbado u jeediyey madaxda dawladda Soomaaliya.

Is-afgaradka ayaa horey bannbaaxyo lagu taageerayo ay uga dhaceen magaaloyin ay ka mid yihiin Hargaysa iyo Burco, halka mid lagu diidan yahay laga soo sheegay magaalada Boorama.

Is-afgaradka dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland ayaa dhigayey in Somaliland ay aqoonsi ka hesho Itoobiya, taas beddelkeedana ay dhul dhan 20km oo bad ah ka kirayso Itoobiya. Itoobiya iyo Somaliland waxay ku tilmaameen is-afgaradka mid taariikhi ah.

Is-afgradkan waxaa ku gacan sayrtay dawladda Soomaaliya oo sheegtay inuu xadgudub ku yahay midnimada dhulkeed iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo dirtay Saynab Abuukar.

Banaanbax ka dhan ah is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya oo ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:40 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG