Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa booqan doona Turkiga Jimcaha si uu ugala hadlo arrimaha Suuriya, kadib markii xukunka laga tuuray Bashar al-Assad, waxaa sidaas Arbacada maanta ah sheegay ilo-wareedyo Turkish oo rasmi ah.
"Wuxuu iman doonaa Turkiga Jimcaha," Ilo-wareedka ayaa sidaas ka yiri booqashada oo iman doonta shan maalmood un ka dib markii Assad si lama filaan ah xilka looga tuuray.
In ka badan 12 sano, Washington ayaa isku dayaysay in ay ka fogaato jahawareerka siyaasadeed ee Suuriya, iyada oo aanu u muuqan saaxib la isku haleyn karo, balse weerarkii hillaaca ee fallaagada ay hoggaamiyaan Islaamiyiinta ayaa ku qasbay in ay dib u fakarto.
Ilaa 900 oo askari oo Maraykan ah ayaa ku sugnaa Suuriya tan iyo 2014-kii, kuwaas oo la shaqaynayay dagaalyahannada Kurdiyiinta ay hogaaminayaan ee dagaalka kula jira jihaad doonka Daacish ee waqooyi bari Suuriya.
Balse taageerada ay Washington siiso ciidamada Kurdiyiinta ayaa khilaaf kala dhex abuuray xukuumadda Ankara, oo u aragta inay yihiin daraf ka tirsan kooxda la mamnuucay ee PKK, taasi oo tobanaan sano wadday kacdoon dhiig badan ku daatay oo ka dhan ah dowladda Turkiga.
Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa raadinaya habab uu kula macaamilo kooxaha mucaraadka Suuriya ee xukunka ka tuuray madaxweyne Bashar al-Assad.
Isaga oo ka hadlayay warbaahinta, afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Matthew Miller ayaa sheegay in Washington ay haysato dhowr siyaabood oo ay kula xiriirto kooxaha kala duwan, kuwaas oo mid ka mid ah Washington ay u aqoonsatay urur argagixiso.
"Waxaan ku guda jirnay wada-hadalladaas dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay. Xoghayaha laftiisa ayaa wada hadallo la yeeshay dalalka saameynta ku leh gudaha Suuriya, waana sii wadi doonnaa taas," ayuu yiri Miller.
Madal