Rabat —
Boqorka dalka Morocco ayaa ugu baaqay shacabka in aysan xoolo gawricin xilliga Ciidul Adxaa ee sanadkan, sababo la xiriira abaar ba’an oo dhulka saameysay, taasoo hoos u dhigtay tirada xoolaha nool isla markaana sababtay sare u kaca qiimaha hilibka.
Ciidul Adxaa, oo ah mid ka mid ah labada ciidood ee ugu muhiimsan Islaamka, waxa sannad kasta xoolo badan—sida ido iyo ari—lagu qalaa dalal badan oo Muslim ah. Sanadkan, munaasabaddaasi waxa ay ku beegan tahay bisha Juun.
Warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee AFP, waxaa inoo soo koobaya Xuseen Barre.
Madal