Khabiir dhinaca badaha oo ku sugan Bariga Afrika ayaa sheegay in burcad-badeedda Soomaalida ay si xun ula dhaqmaan rakaabka la-haystayaasha ah ee saaran maraakiibta caalamiga ah ee ku afduuban Xeebaha Soomaaliya.
Andrew Mwangura oo ah xiriiryaha Barnaamijka Kaalmaynta Badmaaxiinta Bariga Afrika oo ku sugan magaalada Mombasa ayaa u sheegay VOA in burcad-badeeddu ay garaacaan la-haystayaasha qaarkood, kuwo kalena ay badda ku tuuraan kadib marka ay kusoo dhowaadaan maraakiibta caalamiga ah ee dagaalka ee u jooga xeebaha Soomaaliya arrimaha la dagaalanka burcadbadeedda.
Mwangura ayaa ka digay in maraakiibtaasi dagaalku ay u dhowaadaan kuwa lahaysto.