Xaalado nololeed oo liidata ayaa laga soo sheegayaa degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, oo dadkii deganaa badankood ay magaalada bannaanka uga baxeen.
Xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug iyo ganacsato, ayaa dayactir ku billaabay labadii ceel biyood ee degmadaasi biyaha ka siin jirey dadweynaha, kuwaas oo maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab la sheegay inay burburiyeen oo bambaanooyinna ay ku xireen.
Magaalada ayaa waxaan iminka ku sugneyn wax dadweyne ah, kadib markii dadkii deganaa ay isaga baxeen, markii ceelasha laga xiray.
Mahad Sheekh Cali Cibaar, oo ka mid ah xildhibaannada tagay Ceelbuur ayaa waxa arrimahasi ka wareystay Jamal Axmed Cismaan, oo qadka telafoonka kula xiriirey isagoo Ceelbuur jooga.