Isku xirrada

War Deg-Deg ah

China oo tallaabo militari ku hanjabtay haddii Pelosi ay booqato Taiwan


Nancy Pelosi
Nancy Pelosi

China ayaa Isniinta maanta ah sheegtay in militarigeeda “aysan iska fadhin doonin ayaga oo aan tallaabo qaadin” haddii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay booqato Taiwan.

Digniintii ugu dambeysay ee China ka tmid ayaa waxaa jeediyey afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Zhao Lijian oo shir jaraa’id qabtay.

Zhao ayaa sheegay in maadaama Pelosi ay tahay “mas’uulka saddexaad ee ugu sarreeya dowladda Mareykanka,” islamarkaana booqasho ay ku tagto Taiwan, oo China ay sheegato inay ka tirsan tahay, “ay noqon doonto faro-gelin weyn oo lagu sameeyey arrimaha gudaha China.”

Waxa uu ka digay in taasi ay hoggaamin doonto “cawaaqib iyo xaalad cusub oo darran.”

Pelosi oo ay wehliyaan xubno dhowr ah oo ka tirsan Congress-ka ayaa maanta Singapore ka billowday booqasho ay ku mareyso dalal dhowr ah oo ka tirsan Asia, waxaana jirta suurta-galnimo ah inay booqan karto Taiwan.

"China waxay xaqiiqdii qaadi doontaa tallaabooyin adag oo jawaab ah si ay u difaacdo qarannimadeeda iyo madax-banaanieeda dhuleed. Marka ay noqoto waxa ay noqon karaan tallaabooyinkaas, haddii ay ku dhiirrato inay tagto, markaas aan sugno oo aragno," ayuu yiri Zhao.

Booqashada suurta-galka ah ee Pelosi – oo weli uusan xaqiijin xafiiskeeda – ayaa xiisad ku kicisay maamulka Biden, oo ka cabsi qaba in safarka uu ka gudbo khadka cas ee Shiinaha.

Toddobaadkii tegay Biden ayaa sheegay in militariga Mareykanka ay rumeyan yihiin in booqashada “aysan aheyn fikrad wanaagsan xilligan.”

Taiwan ayaa waxay si joogto ah ugu nooshahay hanjabaad ah inay awood militari ku qabsna karto China oo u aragto qeyb ka mid ah dhulkeeda.

Pelosi ayaa toddobaadkii tegay weriyayaasha u sheegtay “inay muhiim tahay inay taageero u muujiyaan Taiwan,” balse waxay beenisay in Congress-ka uu isku dayayo inuu dal madaxbanaan u aqoonsado jasiiraddan.

REUTERS

XS
SM
MD
LG