Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Qaahira


Ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabeelle ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan rag ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo shalay weerar ku qaaday hotel ku yaalla magaalada Beledweyne.

Kooxdani waxay ilaa xalay saqdii dhexe dagaal ka waday gudaha hotelka Qaahira. Weerarkaasi waxaa guud ahaan ku dhintay 13 qof, oo lix ka mid ah ay ahaayeen maleeshiyaadkii weerarka geystay.

Warbixin ku saabsan weerarkaas waxaa Beledweyne ka soo diray wariyaha VOA, Xuseen Xasan Dhaqane.

Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Qaahira
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:56 0:00




Madal

XS
SM
MD
LG