Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milatariga Dalka Ciraq Oo Baaraya Ramadi


Ciidamada ayaa waddooyinka magaalada ka baaraya walxaha qarxa ee laga yaabo in maleeshiyada Daacish ay ku duugeen.

Milatariga Ciraq ayaa sheegay inay si rasmi ah magaalada Ramada "Uga xorreyeen" kooxda Daacish, waxaana ay calanka dalka ka taageen dhismaha xarunta dowladda ee Ramadi.

Ciidamada Ciraq ayaa si taxaddar leh u nadiifiniya waddooyinka magaalada Ramadi, ayaga oo raadinaya walxaha qarxa ee laga yaabo in maleeshiyada Daacish ay uga tageen magaalada, kahor inta aysan qabsan milatariga Ciraq.

Mas’uulyiinta ayaa sheegay in ciidamada Ciraq aysan wax iska caabin ah la kulmin tan iyo markii maleeshiyada Daacish ay carareen axaddii.

Illaa iyo hadda ma cadda, tirada dadka shacabka ee weli ku sugan bartamaha Ramadi, oo 100 KM galbeed kaga beegan magaalada Baghdad, hase yeeshee afhayeen u hadlay Ciraq ayaa sheegay in inta badan dadka shacabka ay gabbaad ka dhigteen isbitaal ku yaalla halkaas.


XS
SM
MD
LG