Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada dawladda 'oo toogtay' ismiidaamiye waday baabuur


Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inay toogteen ismiidaamiye waday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, duleedka tuulada Xuseen Cagey oo u dhow Masagaway oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in ciidamada amnigu ay ismiidaamiyahaas ku dileen toogasho.

Dhinaca kalena, ururka al-Shabaab ayaa sheegtay in qof ka tirsan maleeshiyaadkooda oo ismiidaamiyey uu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo gaadiid watay, kuna jiray hawlgal.

Ilaa hadda ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya sawirka buuxa ee weerarkan.

Ciidamada dawladda ayaa hawlgallo ka wada degaannadaas, waxaana saraakiishu soo tebiyeen inay ciidamadu la wareegeen degaanno hoostaga tuulada Cawsweyne.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fadhi ku meelgaar ah ka samaystay magaalada Dhuusamareeb, si uu ula socdo diyaargarowga hawlgallada milatari ee ka dhanka ah al-Shabaab oo dawladdu sheegtay inay dhammaystir u yihiin wejiga koowaad ee gulufka.

Dhinaca laba qarax oo kala duwan ayaa laga soo sheegayaa degaannada Ruun-Nirgood oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Faahfaahinta ayaa Xuseen Xasan Dhaqane uu ka waraystay Muxyiadiin Maxamed Kulmiye guddoomiyaha degmada Ruun-Nirgood.

Qaraxyo ka dhacay Ruun-Nirgood
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:34 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG