Muqdisho —
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maleeshiyada Al-shabaab kala wareegay gacan ku heystan magaalada Masagawaa ee gobolka Galguduud, sida ay baahisay warbaahinta dowladdu.
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaayo ka waday deegaanno hoostaga Masagawaa, waana magaaladii ugu dambeysay magaalooyin xiriri ah oo laga qabsado ururka Al-Shabaab.
Falastiin Axmed Iimaan ayaa qabsashadan ka waraystay Sarreeye Gaas Cali Cosoble Caraay (Gacma-dulle) oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dawladda Soomaaliya.