Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cuba oo diiday war Mareykanka uu ka soo saaray dhaqaatiir lagu la'yahay Soomaaliya


Dowladda Cuba ayaa ugu gacan sayrtay in aysan ku filneyn bayaan ay Mareykaanka dhowaan ka soo saareen xaaladda laba dhaqtar oo Cuban ah oo kooxaha Jihaadiyiinta Soomaaliya ay ka soo afduubteen Kenya shan sano ka hor.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bishii Febraayo sheegtay in dhaqaatiirtaas oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez isla bishaas lagu dilay duqeyn ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen magaalada Jilib.

Hase yeeshaa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa warbixin u dhowaan soo saaray ku sheegay in dib u qiimeyn lagu sameeyey xogta la hayo lagu go’aamiyey in “in duqeynta Mareykanka uu fuliyey Febraayo 15, 2024 aysan waxyeelo ka soo gaarin rayid.”

Wargeyska ku hadla afka dowladda Cuba ee Granma ayaa maqaal uu qoray Khamiistii ku sheegay in qoraalka AFRICOM “uusan si cad u qeexin dhaqaatiirta Cuba.”

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibedda Cuba, Bruno Rodriguez ayaa qoraal uu Arbacadii soo dhigay barta X ku sheegay in warbixinta Mareykanka “aysan wax cusub soo kordhin,” islamarkaana Havana ay tan iyo April sugeysay “baaritaan ay Cuba si rasmi ah u codsatay oo ku saabsan weerarada AFRICOM” ee meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya.

Sheegashada Al-Shabaab ayaan si madax-banaan loo xaqiijin karin.

Dhaqaatiirta ayaa ka mid ahaa 100 xubnood oo shaqaale caafimaad oo Cuban ah oo gudaha Kenya uga shaqeynayey heshiis dhex-maray labada dal, markii la qafaashay April 2019.

Cuba ayaa waxaa in badan 50 dal oo caalamka ah ka jooga shaqaale caafimaad oo qeyb ka ah wax ay ugu yeerto “diblomaasiyadda jaakadda cad.”

Madal

XS
SM
MD
LG