Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa ku soo badanaya dadka qaba cudurka kelyo-xanuunka.
Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay inay sababaha ugu badan ee cudurka uu u soo badanayo in ay tahay dadka oo aan la soconin xaaladahooda caafimaad, sida cudurrada dhiig karka, macaanka iyo arrimo kale.
Haddaba Dr. Caydaruus Raabi, oo ah madaxa waaxda kelyo-sifeynta ee isbitaalka guud ee Jigjiga Referral ayaa idaacadda VOA uga waramay shaqooyinka ay waaxdu qabato, goobaha ay ka yimaadaan dadka waaxda usoo adeeg doonta, iyo sidoo kale in ay hada qorshaynayaan sidii ay waaxda ugu soo kordhin lahaayeen qaybo kale.
Dr. Cayduruus Raabi ayaa magaalada Jigjiga ugu warramay wariyaha VOA-da ee Jigjiga Maxamed Cabdiraxmaan Ugaas Gaataa.
Madal