Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad biyo la'aan ugu dhintay deegaano ka tirsan Wajeer


Dadka ku nool deegaanno badan oo hoos taga degmada Wajeer ee waqooyi bari Kenya ayaa qeylo dhaan ka muujinaya dhibaato biya la’aaneed oo xilligaan ay wajahayaan, taasi oo sababtay dhimasho, kadib markii ay u da’i waayeen roobabkii dayrta oo ay ku xisaabtamaan waqtiyadan oo kale.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay inay laba qof oomanaha u dhinteen halka qaar kale oo badan iyo xoolahooda ay la il daran yihiin xaaladaha adag ee ka dhashay biyo la’aanta.

Faahfaainta warkaan waxaa Gaarisa nooga soo diray wariyaha VOA-da Maxamed Faarax Shire.

Dad biyo la'aan ugu dhintay deegaano ka tirsan Wajeer
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:09 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG