Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay 89 kale oo 62 ay boolis yihiinna wey ku dhaawacmeen dibadbaxyo maanta ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo ay oogayeen taageerayaasha xisbiyada mucaaradka.
Dibadbaxyada oo ay mucaaradku qabanqaabineyeen muddo ayay ku dalbanayeen in doorashada Somaliland lagu qabto waqtigeeda bisha November.
Iska horimaadyo xoogan oo dhex maray booliska iyo dadkii dibad baayada dhigayay ayaa ka dhacay meelaha qaar ee magaalooyinka Hargeysa, Burco, iyo Cerigaabo.
Intii ay banaanbaxyadu socdeen waxaa go’ay khadkii internet-ka Somaliland.
Caawa Fiidii ayaa Saraakiisha Booliska Somaliland ay ka warbixiyeen khasaaraha ka dhashay dibadbaxyadan.Dhinaca kale mucaaradka Somaliland ayaa ka hadlay dibad baxayadii maanta dhacay.
Magaalooyinka Somaliland ee maanta ay Mucaaradku ka oogeyn dibadbaxayada waxaa sidoo kale ka mid ah magaalada Boorama.
Warbixinadan waxaa Hargeysa iyo Boorama kasoo diray weriyayaasha VOA Sagal Mustafe Xasan iyo Haashim Sheekh Cumar Good.