Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad lagu dilay weerar lagu qaaday Masjid ku yaalla Cumaan


Deegaanka al-Wadi al-Kabir ee glabeedka Cumaan ee weerarka uu ka dhacay.
Deegaanka al-Wadi al-Kabir ee glabeedka Cumaan ee weerarka uu ka dhacay.

Ugu yaraan afar Pakistani ah ayaa lagu dilay, 30 kalena waa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday meel u dhow Masaajid Shiicada leeyihiin oo ku yaalla caasimadda dalka Cumaan ee Muscat, sida ay saraakiishu sheegeen Talaadada, taasi oo ah weerar naadir ah oo ka dhacay saldanaddan Khaliijka kale ee xasilloon.

Shiicadu waa dad tiro yar oo ka mid ah shacabka Muslimiinta ah ee Cumaan. Cumaaniyiinta badankood ayaa ah Sunniyiin.

Weerarkan Isniintii lagu qaaday Masjid, oo weli aanay cidna sheegan, ayaa yimid ayada oo Shiicada ay toddobaadkan xusayaan Caashuura, oo ah maalin sanadle ah oo ay u baroordiiqaan geeridii Imaam Xuseen, oo ay aaminsan yihiin inuu xaq u lahaa inuu khilaafadda Islaamka la wareego kadib geeridii Nebiga NNKH.

"Booliska Boqortooyada Cumaan ayaa ka jawaabay fal toogasho ah oo ka dhacay agagaarka masjid ku yaalla deegaanka Al-Waadi Al-Kabiir, ee caasimadda,” ayuu booliisku ku yiri qoraal uu soo saaray.

Booliska ayaa khasaaraha ku sheegay geerida afar qof iyo dhaawaca “dhowr” kale.

Wasaaradda arrimaha dibedda Islamabad ayaa sheegtay in afar qof oo Pakistani ah la dilay, islamarkaana mas’uuliyiinta Cumaan “ay dileen” rag hubeysnaa.

“Afar Pakistani ah ayaa ku shahiiday ka dib markii weerar rasaas oo argagaxa leh lagu qaaday masjidka Cali bin Abii Daalib” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

"30 kale oo Pakistani ah ayaa lagu daweynayaa isbitaallada," ayay raacisay, iyadoo leh "Dowladda Cumaan way dishay kuwii weerarka soo qaaday."

Safiirka Pakistan Cimraan Cali ayaa isbitaalka ku booqday qaar ka mid ah dhaawacyada, sida ay safaaraddu soo dhigtay barta bulshada ee X.

Fariin muuqaal ah ayuu Cali ku booriyay shacabka Pakistan inay la shaqeeyaan maamulka Cumaan oo ay ka fogaadaan agagaarka masaajidka la weeraray.

“Saddex ama afar isbitaal ayaan booqday, Allah fadligiis dhammaan dadkii ku dhaawacmay waa badqabaan,” ayuu yiri Cali.

Safaaradda Mareykanka ee Muscat ayaa soo saartay digniin amni ka dib toogashada, waxayna baajisay dhammaan balamaha fiisaha ee Talaadada maanta ah.

"Muwaadiniinta Mareykanka waa inay feejignaadaan, la socdaan wararka gudaha iyo inay raacaan tilmaamaha maamullada maxalliga ah," safaaradda ayaa sidaas ku soo qortay X.

Madal

XS
SM
MD
LG