Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Tunisa oo u codeynaya dastuur xoojinaya awoodaha madaxweyne Qays


FILE PHOTO: Tunisian President Kais Saied takes the oath of office in Tunis
FILE PHOTO: Tunisian President Kais Saied takes the oath of office in Tunis

Dadka waddanka Tunisia ayaa Isniinta maanta ah u codeynaya dastuur loo arko inuu yahay afti kor u qaadeysa awoodda madaxweyne Kais Saied, kaas oo xafiiskiisa siin doonta ku dhawaad awoodo aan xadidnayn, kana horimaanaya nidaamka dimuqraadiga ah ee dalkaas ka dhacay kadib kacdoonkii 2011-kii.

Codbixinta ayaa bilaabatay lixidii subaxnimo, iyada oo socon doonta ilaa 10:00 fiidnimo, iyada oo qiyaastii 11,000 oo gooboood oo codbixineed loo sameeyay aftidan.

Qiyaastii 9.3 milyan oo ka mid ah 12 milyan oo qof ee dadka rayidka ah ee dalka Tunisa ah oo da'doodu ka weyn tahay 18 sano ayaa si toos ah guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka ugu diiwaan geliyay inay codkooda dhiibtaan.

Waxaa codbixiyeyaasha ka mid ah ilaa 356,000 oo qurbajoog ah oo iyagu codeynta bilaabay Sabtidii.

Aftidan ayaa imaaneysaa sanad kadib markii madaxweyne Saciid uu shaqada ka eryay xukuumadii, uuna kala diray baarlamaanka, taas oo mucaaradku ku tilmaameen afgambi.

Tunisia ay la halgamaysay kiisaska coronavirus-ka ee kor u kacay, qalalaase siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale.

AP.

XS
SM
MD
LG