Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Maanta Dib Uga Qarxay Gaalkacyo


Gaalkacyo
Gaalkacyo

Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey in 6 qof ay ku geeriyoodeen dagaalka, uuna jiro dhaawac intaas ka badan.

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta uu mar kale halkaas dib uga qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamada maamullada GALMUDUG iyo Puntland, kadib heshiiskii shalay la gaaray.

Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey in 6 qof ay ku geeriyoodeen dagaalka, uuna jiro dhaawac intaas ka badan. Lama oga khasaraha dhabta ah, maadaama weli dagaalka uu socdo, waxaana suurta gal ah inuu intaas ka badan yahay.

Maamulada GALMUDUG iyo Puntland oo VOA la hadlaya ayaa labadaba midba midka kale ku eedeeyey dagaalka iyo inuu jebiyey heshiiskii shalay la gaaray.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warsaxaafadeed soo saraay ayaa sheegay in waqtigii isla xisaabtan la’aanta uu dhammaadey, islamarkaana maamullada Galmudug iyo Puntland ay qaadaan mas’uuliyadda dagaallada ka soo cusboonaaday Gaalkacyo.

Madaxweynaha waxa uu ugu baaqey hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland, Cabdikariim Xuseen iyo Cabdiweli Maxamed Cali inay u hoggaansamaan, si buuxdana u fuliyaan heshiiski shaley lagu kala saxiixday Gaalkacyo.

VOA-da ayaa la hadashay labada dhinac.

Guddoomiyaha Mudug ee Galmudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:53 0:00
Guddoomiye ku Xigeenka Mudug ee Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:00 0:00

XS
SM
MD
LG