Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal maalintii labaad ka socda magaalada Laascaanood


Laascaanood
Laascaanood

Dagaallo ayaa maalintii labaad kasii soconaya magaalada Laascaanood gaar ahaan agagaarka Burta Sayidka. Madaafic iyo rasaas fudud ayaa dadka degaanku sheegeen in dagaalkan la isku adeegsanayo.

Dagaalka ayaa billowday shalay ayada oo mas’uuliyiinta Somaliland ay sheegeen in ciidankooda lasoo weeraray, halka odayaasha deegaanka ay ku warrameen in weerar ay soo qaadeen ciidamada Somaliland.

Dagaalka ayaa waxaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen 38 qof, halka 132 kale ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka guud ee Laascaanood Axmed Maxamed Xasan.

Shir uu yeeshay Golaha Wasiirrada ee Somaliland xalay oo uu shir gudodomiyey madaxeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isna laga soo saaray qodobo ay ka mid yihin in dawladda Somaliland ay diyaar u tahay in colaadda lagu xalliyo wadahadal.

Somaliland waxay sidoo kale ku baaqday in la taageero dadka ka barakacay magaalada Laascaanood.

Odayaasha degaanka ayaa shalay soo saaray go’aammo ay ku jiraan in degaanada SSC-Khaatumo ay ka mid yihiin dawladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo, islamarkaana aysan ka mid ahayn maamulka Somaliland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay odayaasha.

Odayaasha ayaa sidoo kale sheegay inay doorteen guddi ka kooban 45 xubnood oo maamuli doona arrimaha SSC-Khaatumo.

Khaaaraha dagaalladan ayaa weriyahayaga Cabdikariim Olol uu ka waraystay agaasimaha Isbitaalka Laascaanood Axmed Maxamed Xasan.

Dagaal maalintii labaad ka socda magaalada Laascaanood
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:55 0:00

XS
SM
MD
LG