Laascaanood —
Iska horimaadyo kale ayaa maanta ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaasi oo u dhexeeyey ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka.
Labada dhinac ayaa mid walba uu ku eedeeyey kan kale inuu dagaalka billaabay maanta. Warbixintan waxaa Laascaanood kasoo diray Cabdikariim Olol.
Dagaalkan waxaa sidoo kale ka hadlay maamulka Somaliland sida uu warkan Hargaysa kaga soo diray Khadar Maxamed Cakule.